Warbixintan kooban waxay soo bandhigaysaa qiimeyn madaxbannaan oo lagu sameeyay Kalfadhigii 6aad ee Golaha Shacabka (15 Febraayo – 22 Juun 2025), iyadoo muujinaysa in Baarlamaanku ansixiyay shuruuc muhiim ah sida Xeerka Barakacayaasha, Xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah, iyo afar Xeer oo Dib-u-habayn Dhaqaale ah, isla markaana furay akhrinta koowaad ee heshiisyo caalami ah oo ay ka mid yihiin Axdiga Afrika ee Xuquuqda Carruurta iyo Heshiiska IGAD. Inkasta oo korjoogtada bulshada rayidka oo uu fududeeyay mashruuca GOLE-KAAB ay si buuxda uga qeybgaleen fadhiyada guud, haddana warbixintu waxay iftiimisay caqabado waaweyn oo ka jiray hufnaanta sharci-dejinta, oo ay ka mid yihiin maqnaanshaha nidaamka Hansard, soo-xaadiritaan hooseeya oo sababay kooram-la’aan soo noqnoqotay, xannibaad ku saabsan furfurnaanta shaqada guddiyada, iyo buuq siyaasadaysan oo sababay tallaabooyin anshax oo is buriyay. Warbixintu waxay ku baaqaysaa isbeddello degdeg ah oo ay ka mid yihiin hirgelinta Hansard, furfurnaanta guddiyada, nidaam cad oo soo-xaadiritaan, xoojinta anshaxa iyo la-tashiyo bulsho oo waaweyn, si loo xoojiyo isla-xisaabtanka iyo tayada sharci-dejinta ka hor furitaanka Kalfadhiga 7aad ee Agoosto 2025.
Warbixintan kormeerka ah ee Kooxda Korjoogtada Bulshada Rayidka waxay diiradda saaraysaa waxqabadka iyo hanaanka sharci-dejinta ee Kalfadhigii 6aad ee Golaha Shacabka (15 Febraayo – 22 Juun 2025). Intii kalfadhigan lagu guda jiray, Baarlamaanku wuxuu ansixiyay shuruuc muhiim ah oo ay ka mid yihiin Hindise-Sharciga Barakacayaasha (IDPs), Xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Afarta Hindise-Sharciyeed ee Dib-u-habbaynta Dhaqaalaha, taasoo muujinaysa in Golaha uu gaaray horumar la taaban karo oo dhinaca maamulka iyo adeegyada bulshada ah.
Si kastaba ha ahaatee, kormeerayaashu waxay diiwaan geliyeen caqabado waaweyn oo saameeyay hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, sida maqnaanshaha nidaamka Hansard, ka-qaybgal xadidan oo guddiyada ah, soo-xaadiritaan hooseeya oo soo noqnoqotay iyo dhacdooyin anshax xumo oo hakiyey fadhiyo. Kuwo ka mid ah arrimahan waxay keeneen go’aanno ay hoggaamiyeyaashu is khilaafeen, taasoo abuurtay jahwareer iyo hoos u dhac ku yimid kalsoonida bulshada.
Warbixintu waxay ku boorinaysaa Baarlamaanka iyo Xukuumadda in la hirgeliyo isbeddelo degdeg ah: abuurista nidaamka Hansard, furfurnaanta iyo daahfurnaanta guddiyada, nidaam cad oo lagu diiwaangeliyo soo-xaadiritaanka xildhibaannada, iyo habraacyo cadaalad ah oo anshax marinta ah. Sidoo kale waxay talo soo jeedinaysaa in la xoojiyo tababarka xildhibaannada iyo in la qabto la-tashiyo ballaaran oo bulshada ah ka hor inta shuruuc waaweyn la soo gudbin.
Ugu dambayn, joogitaankii joogtada ahaa ee bulshada rayidka oo ay fududeeysay SONSA/GOLE-KAAB waxay kor u qaaday daahfurnaanta fadhiyada islamarkaana yareysay isku dayada lagu leexin lahaa ajandaha. Hirgelinta talooyinka warbixintu waa fure si loo xoojiyo kalsoonida shacabka, tayada shuruucda, iyo waxtarka Baarlamaanka ka hor furitaanka Kalfadhiga 7aad.