Warbixinta Kormeerka Kooxda CSOs: Kalfadhiga Lixaad ee Golaha Shacabka
Kooxda Ururrada Bulshada Rayidka (CSOs) ee ka hoos shaqeysa Mashruuca GOLE-KAAB ayaa kormeer joogto ah ku sameysay dhamaan toddobada fadhi ee Golaha Shacabka ee Kalfadhiga Lixaad (22 Febraayo – 12 Maarso 2025). Kormeerkan waxa lagu diiwaangeliyay arrimo sharci oo muhiim ah oo la meel mariyey, sida Sharciga Garsoorka Dhallinyarada Soomaaliyeed, Sharciga Dakhliga (Income Tax Bill), iyo Sharciga Ka-hortagga Lacag-dhaqashada (Anti-Money Laundering Bill).
Kormeerku wuxuu muujiyey horumar ka socda xagga maamul wanaagga iyo dib-u-habeynta maaliyadda, hase yeeshee waxa weli jira caqabado ay ka mid yihiin: joogitaanka xildhibaannada oo aan mararka qaar dhameystirneyn, xaddidaadda warbaahinta gudaha Baarlamaanka, iyo dib-u-dhacyada diyaarinta hindisayaasha sharciyada.
Talooyinka warbixintu waxay diiradda saarayaan: in la hagaajiyo nidaamka diiwaangelinta joogitaanka xildhibaannada, in shacabka loo fududeeyo helitaanka hindisayaasha sharciyada, iyo in la kordhiyo wadatashiyada CSO-yada si loo xoojiyo daahfurnaanta iyo awood-dhismaha hay’adaha.
Warbixinta Korjoogtada Bulshada Rayidka ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Warbixintani waxay soo bandhigeysaa dulmar dhammaystiran oo ku saabsan hawlaha kormeerka korjoogtada ah ee ay fulisay Kooxda korjootada Bulshada Rayidka ee Golaha Shacabka intii lagu guda jiray Kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo dhacay intii u dhaxeysay 22 Febraayo ilaa 12 Maarso 2025. Korjooteyntaan waxaa lagu hirgeliyay hoos yimaada Mashruuca GOLE-KAAB si loo xoojiyo hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo ka-qaybgalka bulshada ee geeddi-socodka baarlamaanka. Kalfadhigan ayaa lagu arkay horumar sharci-dejin oo muhiim ah oo ku saabsan maamulka, maaliyadda dadweynaha, dib-u-habaynta caddaaladda, iyo horumarinta adeegyada bulshada. Intii uu socday kalfadhigu, Kooxda bulshada rayidka ayaa waxay ka qeyb gashay dhammaan toddobada fadhi, iyagoo si dhow u diiwaangeliyay doodaha, go’aannada sharci-dejinta, iyo ka-qaybgalka xildhibaannada, isla markaana bulshada u wadaagay natiijooyinka muhiimka ah. Horumarka ugu weyn ee sharci-dejinta waxaa ka mid ahaa ansixinta dhowr xeer oo muhiim u ah horumarinta nidaamka sharci iyo dhaqaalaha dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xeerka Caddaaladda Dhallinyarada, Xeerka Canshuurta Dakhliga, Xeerka Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & Maalgelinta Argagixisada (AML & CTF), Xeerka Hay’adaha Maaliyadeed, iyo Xeerka Shirkadaha Caymiska. Shuruuc kale sida Xeerka Caafimaadka iyo Heshiiska Iskaashiga Garsoorka Turkiga ayaa weli ku jiray dib-u-eegis. Kooxda bulshada rayidka waxay adeegsadeen habab adag oo kormeer ah si ay u qiimeeyaan u hoggaansanaanta habraacyada, tayada doodaha, hufnaanta codeynta, iyo heerka ka-qaybgalka xildhibaannada. Joogitaankooda joogtada ah iyo faafinta xogta waxay ka dhigtay bulshada rayidka kuwo muhiim u ah isku xirka baarlamaanka iyo bulshada, taas oo sare u qaaday kalsoonida iyo hufnaanta howlaha sharci-dejinta. Inkasta oo horumar la gaaray, haddana waxaa jira caqabado soo noqnoqday oo la aqoonsaday, sida joogitaanka aan joogto ahayn ee xildhibaannada, goobaha warbaahinta oo kooban, helitaanka bulshada ee qabyada sharciyada oo adag, ku hadalka xildhibaannada bannaanka baarlamaanka, iyo baahida loo qabo la-tashiyo ballaaran oo bulshada rayidka ah. Waxaa sidoo kale jiray arrimo farsamo oo saameeyay horumarinta qaar ka mid ah shuruucda. Warbixintu waxay soo jeedinaysaa talooyin istaraatiiji ah oo lagu xoojinayo waxtarka Baarlamaanka, oo ay ka mid yihiin kor u qaadista kormeerka joogitaanka, ballaarinta goobaha warbaahinta, fududeynta helitaanka sharciyada, xoojinta ka-qaybgalka bulshada rayidka, wacyigelinta bulshada, iyo dhisidda awood sharci-dejineed oo dheeri ah. Sidoo kale waxay ku boorrinaysaa iskaashi joogto ah oo u dhexeeya Baarlamaanka, bulshada rayidka, iyo hay’adaha kale ee dowladda. Gebo-gebadii, warbixintu waxay muujinaysaa in Kalfadhiga 6-aad uu ahaa marxalad sharci-dejin oo wax-ku-ool ah oo gundhig u ah xoojinta dimuqraadiyadda iyo maamulka Soomaaliya. Horumar joogto ah oo lagu sameeyo hufnaanta, tayada sharci-dejinta, iyo ka-qaybgalka muwaadiniinta ayaa muhiim u ah sii socoshada dadaallada dib-u-habaynta iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah.