Falanqayn Milicsi ah: Sharciga La Dagaallanka Burcad-badeedda iyo Afduubka ee La Cusbooneysiiyey (Sharciga No. 36/1975)
10-kii Noofambar 2025, Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa si wadajir ah u meel mariyey (140 cod) sharciga la cusbooneysiiyey ee La Dagaallanka Burcad-badeedda iyo Afduubka, kaas oo casriyeeyay sharcigii 1975 si uu ula jaanqaado xaaladaha maanta jira, lana dagaallamo burcad-badeedda, kalluumeysiga sharci-darrada ah, isla markaana la waafajiyo UNCLOS iyo xeerarka gobolka sida Heshiiska Jabuuti.
Isbeddellada ugu waaweyn waxaa ka mid ah in la ballaariyey awoodda maxkamadaha, ganaaxyo iyo xukuno adag (5 ilaa 20 sano), iyo qeexitaanno cad-cad oo ku saabsan dambiyada. Arrintan waxaa horseeday Guddiga Garsoorka, iyadoo SONSA/GoleKaab ay ka wadeen dabagal iyo daahfurnaan—inkasta oo ay jireen caqabado la xiriira buuxinta kouramka.
Guusha sharcigan waxay ku xirnaan doontaa sida loo hirgaliyo, sida loo dhaqan geliyo, iyo sida ay bulshada rayidku uga qayb qaadato xoojinta ammaanka badda.
Falanqayn Ku Saabsan Ansixinta Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Ka-Hortagga Burcad-Badeedda iyo Af-Duubka (Sharciga Lr. 36 ee 30kii Abriil 1975) Hordhac Ansixinta dib-u-habaynta Hindise-Sharciyeedka Ka-Hortagga Burcad-Badeedda iyo Af-Duubka (Sharciga Lr. 36 ee 30kii Abriil 1975) ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 10kii Nofeembar 2025 waxay astaan u tahay marxalad muhiim ah oo lagu xoojinayo amniga badda iyo awoodda dawladnimada ee ku saabsan xeebaha iyo badaha dalka. Sharcigii hore ee 1975 waxaa lagu meel mariyey xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo gebi ahaanba ka duwan tii maanta; tobannaan sano oo xasillooni darro ah iyo khataro amni badeed oo isbeddelay ayaa ka dhigtay in dib-u-eegis dhammaystiran ay noqoto lama huraan. Sharciga la cusboonaysiiyey wuxuu diiradda saaraya wax ka qabashada noocyada casriga ah ee burcad-badeednimada, af-duubka, kalluumaysiga sharci-darrada ah, iyo dambiyada kale ee badda oo si daran u saameeyay dhaqaalaha iyo bulshooyinka xeebaha Soomaaliyeed. Dib-u-eegista sharciyeed waxay soo gebageboowday intii lagu guda jiray fadhigii 13aad ee Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka 11aad JFS, kaas oo uu shir guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow. Halka Mudane Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale Guuleed uu soo bandhigay warbixintii guddiga iyo nuqulka wax-ka-beddelka, waxaana 140 xildhibaan oo kooramka fadhiga lagu furay ay si aqlabiyad ah u ansixiyeen sharciga la cusboonaysiiyay. Inkastoo codka mideysan uu muujinayo isku ra’yi siyaasadeed oo ku saabsan amniga badda, haddana tirada xildhibaannada ka qayb galay waxay iftiiminaysaa caqabado hareeyey hay’adaha sharci-dejinta – gaar ahaan soo xaadirista aan joogtada ahayn ee xildhibaannada taas oo saameyn ku yeelata matalaadda iyo daahfurnaanta golaha sharciga. Qoraalkan falanqaynta ah wuxuu soo bandhigayaa aragti madax-bannaan oo ka timid bulshada rayidka, isaga oo qiimaynaya muhiimadda sharciga, isbeddellada lagu sameeyay, doorka guddiyada Baarlamaanka, ka qaybgalka bulshada rayidka, iyo sida uu sharcigan ugu biirinayo xoojinta maamul wanaagga badda iyo amniga fog ee Soomaaliya. Waxa kale oo uu iftiiminayaa sida sharcigan dib-u-habaynta ahi ugu dhex xirmayo baahiyaha gudaha ee dalka iyo nidaamka sharciyada badda ee caalamiga ah.