ABOUT US

Gole-Kaab waa hindise ka yimid Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo loogu talagalay in lagu xoojiyo hannaanka ka qaybgalka muwaadiniinta iyo ka-qayb qaadashadooda habsami u socodka baarlamaanka ee Soomaaliya. Waxa uu taageerayaa ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed (CSOs) si ay u buuxiyaan farqiga u dhexeeya sharci-dajiyeyaasha iyo dadweynaha. Waxa kale oo uu kobcinayaa hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo wada-oggolaanshaha maamulka. Iyadoo la adeegsanayo qalab cusub sida warbaahinta iyo teknoolojiyadda casriga ah, Gole-Kaab waxa uu awood u siinayaa muwaadiniinta inay ku biiriyaan codkooda hawlaha sharci-dejinta ee socda, bixiyaan jawaab-celin xog ogaal ah, oo ay u qareeman siyaasado loo dhan yahay. Asalka, Gole-Kaab waxa uu higsanayaa inuu xoojiyo dimuqraadiyadda Baarlamaanka Jumhuuriyada Federaalka Soomaaliya (Golaha Shacabka BJFS), xafiisyada fulinta, iyo heerarka dawlad goboleedyada. Waxa uu xaqiijinayaa in codadka bulshada dhami si fiican loo maqlo, oo ay ku jiraan haweenka iyo dhalinyarada. Hindisuhu waxa uu diiradda saarayaa dhisidda kalsoonida u dhaxaysa baarlamaanka, iyo muwaadiniinta waxa uu mudnaanta siinaya aragtidooda hababka sharciyada lasoo gudbiyay wax ku biiritooda iyo u oloeynta Hindise sharciyeedyada cusub. Waxa uu xaqiijinayaa in sharciyada iyo siyaasadaha loo dhan yahay, hufnaan yihiin, oo ay ka jawaabaan baahiyaha dadka Soomaaliyeed. Gole-Kaab waxa uu saadaalinayaa Soomaaliya oo ka jirto maamul dimuqraadi ah oo ku salaysan ka qaybqaadashada firfircoon ee muwaadiniinta iyo habab kormeer oo adag. Iyada oo loo maraayo barnaamijyada dhismaha kaabidda awoodda hey’addaha iyo shaqsiyaadka, ololeyaasha u doodista, iyo aasaasida kanaalada isgaarsiinta loo dhanyahay, Gole-Kaab waxa uu awood u siinayaa Ururrada Bulshada Rayidka inay door muhiim ah ka ciyaaraan qaabaynta mustaqbalka dimuqraadiga ah ee Soomaaliya. Waxa kale oo uu wax ka qabanayaa hannaanka wanaagsan ee wacyigelinta muwaadiniinta iyada oo diiradda la saaraya bulshooyinka kala duwan ee hababka go'aan qaadashada ee ka jira hay'adaha dawladda.