Civil Society Calls for Dialogue, Stability, and Inclusive Political Solutions

March 29, 2025

Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo Ku Baaqday Wadahadal, Xasillooni, iyo Xalal Siyaasadeed oo Wada-jir ah.



Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa maanta yeeshay kulan ballaaran oo ay ku mideysnaayeen dhaqanka, culimada, dhalinyarada, haweenka, ururrada xuquuqul-insaanka, warbaahinta, hay’adaha waxbarashada iyo kooxaha u dooda dadka naafada ah. Kulanku wuxuu diiradda saaray xaalada siyaasadeed ee dalka iyo hannaan siyaasadeedka uu dhawaan Madaxweynaha soo bandhigay.


Ka qeybgalayaashu waxay falanqeeyeen xiisadda siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan arrimaha dib-u-eegista dastuurka, hannaanka doorashooyinka, iyo geeddi-socodka dhismaha dowladnimada. Waxaa la xusay kaalinta muhiimka ah ee bulshada rayidka ay ku leedahay dejinta khilaafaadka iyo dhiirrigelinta xal nabadeed. Kulanku wuxuu iftiimiyay saameynta ay khilaafaadka siyaasadeed ku yeeshaan shacabka, oo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha, hufnaanta dowladnimo, iyo midnimada ummadda. Waxaa lagu adkeeyay in hannaan-siyaasadeedka la shaaciyay loo fuliyo si taageera wadahadal iyo xasilooni qaran.


Bulshada rayidka ayaa muujisay walaac ku saabsan hadallo siyaasadeed oo kicin kara colaado ama carqaladeyn kara amniga bulshada, iyagoo ku baaqay in ay siyaasiyiintu ka fogaadaan hadallo xanafta kicinaya oo wax u dhimaya geeddi-socodka nabadda iyo dowladnimada.


Ugu dambeyntii, war-saxaafadeedku wuxuu iftiimiyay baahida loo qabo wadahadal aan shuruud lahayn oo loo dhan yahay, in xoogga la saaro dadaallada gudaha, in aqoonyahannada iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ay ka wada shaqeeyaan nabadda, in warbaahintu door ka qaadato dejinta xiisadaha, iyo in la iska kaashado ka hortagga faragelin shisheeye. Bulshada rayidka ayaa ballan qaaday inay qaadato doorka dhexdhexaadinta iyo fududeynta xalalka dalka




Share this engagement

Recent Engagements