18 Febraayo 2026, Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa sii waday ka doodista wax-ka-beddelka Cutubyada 7aad iyo 8aad ee Dastuurka KMG ah. Kulanka 19aad ee wadajirka ah (Kalfadhiga 7aad), oo ay joogeen 172 mudane, ayaa diiradda lagu saaray Qodobbada 109–129 ee la xiriira awoodaha Madaxweynaha iyo ...
18-ka Febraayo 2026, Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sii amba qaaday doodaha ku saabsan wax ka bedelka cutubyada 7-aad iyo 8-aad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah Agoosto 2012. Fadhiga oo ahaa kulankii 19-aad ee wadajirka ah, kana tirsan Kalfadhiga 7-aad, ayaa kooramkiisu gaarayay 172 mudane, iyadoo diiradda lagu saaray qodobada khuseeya waajibaadka iyo awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda Federaalka.
Kulanka maanta waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana ku wehlinayay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Labaad ee labada Aqal. Hoggaanka kulanka ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay dardargelinta howlaha dib-u-eegista dastuurka iyo xaqiijinta in dooduhu u dhacaan si waafaqsan habraaca baarlamaaniga ah.
Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorada Aqalka Sare ayaa si qoto dheer uga dooday qodobada u dhexeeya 109 ilaa 129 ee ku jira cutubyada 7-aad iyo 8-aad. Labadii maalmood ee la soo dhaafay, mudanayaal badan ayaa aragtiyo kala duwan ka dhiibtay qodobadan, iyagoo falanqeeyay doorka hay’adaha fulinta iyo isku dheelitirka awoodaha dowladeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulanka soo xiray ayaa shaaca ka qaaday in si rasmi ah loo soo gabagabeeyay ka doodista cutubyada 7-aad iyo 8-aad, isla markaana kulanka xiga lagu bilaabi doono ka doodista cutubka 9-aad ee wax ka bedelka Dastuurka Ku-meelgaarka ah.
Dhanka kale, xubnaha korjoogtada Bulshada Rayidka ee Barnaamijka GoleKaab ayaa sii wada dadaalladooda ku aaddan la socodka habsami u socodka howlaha Baarlamaanka. Waxay si dhow isha ugu hayaan habraaca, anshaxa, iyo daahfurnaanta doodaha, iyagoo u taagan kor u qaadista isla xisaabtanka iyo dowlad wanaagga.
Barnaamijka GoleKaab wuxuu door muhiim ah ka ciyaarayaa isku xirka howlaha ka socda Golaha Shacabka iyo ogaalka muwaadiniinta Soomaaliyeed. Iyadoo la xoojinayo daahfurnaanta iyo ka qaybgalka dadweynaha, dadaalladani waxay gacan ka geysanayaan dhismaha hannaan baarlamaan oo furfuran, isla xisaabtan leh, kana jawaaba danaha shacabka Soomaaliyeed.