Soo koobidda Hindirse sharciyeedka Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo loo marayo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa si rasmi ah u soo gudbisay Golaha Shacabka Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Carruurta (ACRWC) si loo ansixiyo. Axdigan oo ay meel-marisay Midowga Afrika, wuxuu xooga saaraya ilaalinta xuquuqda, karaamada, iyo horumarka carruurta Afrika, isagoo waajibinaya dowladaha xubnaha ka ah inay qaadaan tallaabo sharci, maamul iyo bulsho oo lagu xaqiijinayo xuquuqda carruurta ee waxbarasho, caafimaad, iyo ilaalin ka dhan ah tacaddiga iyo takooridda. Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa kulankiisii SHGW.41.99.11.24 ee 25 Noofambar 2024, si buuxda ugu ansixiyay Axdigan, iyadoo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay samaysay dhowr ka-gaabsasho (reservation) oo khuseeya qodobo ka hor imaan kara diinta Islaamka iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo kala ah: 1. Qodobka 2aad – Qeexidda Da’da Carruurta 2. Qodobka 9aad – Xorriyadda Fikir, Damiir iyo Diin 3. Qodobka 10aad – Ilaalinta Nolosha Gaarka ah 4. Qodobka 21aad, faqradda 2aad – Guurka iyo Alkumiidda Carruurta 5. Qodobka 24aad – Korsasho (Adoption) Axdigan wuxuu waafaqsan yahay Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee 2012, gaar ahaan qodobadiisa ku saabsan ilaalinta xuquuqda, karaamada, waxbarashada, iyo daryeelka carruurta. Sidoo kale wuxuu la jaanqaadayaa heshiisyada caalamiga ah ee ay Soomaaliya saxiixday, sida Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqda Carruurta (CRC), taasoo xoojinaysa doorka Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo iskaashiga caalamiga ah.