Animated Icon

Hindise-Sharciyeedka Wax-ka-beddelka Sharciga Hay’adaha Maaliyadeed: Xoojinta Qeybta Maaliyadda Soomaaliya.


Faah-Faahinta Hindise Sharciyeedka

Hindise-sharciyeedkan wax-ka-beddelka sharciga hay'adaha maaliyadeed waxa soo dhamaaday hannaankii ansixinta labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya intii lagu guda jiray kalfadhigii 6aad ee Golaha shacabka wuxuuna helay taageradda saxiixa Madaxweynaha, taasoo calaamad u ah tallaabo muhiim ah oo sharci-dejiyayaashu iyo madaxtooyadu ka qaadeen xoojinta nidaamka maaliyadeed. Sharcigan ayaa ujeedkiisu yahay in la casriyeeyo qaab-dhismeedka xakamaynta ee hay'adaha maaliyadeed, iyadoo la xaqiijinayo kormeer wanaagsan, maarayn khatar iyo hufnaan hawleed sareysa. Ansixintiisu waxay muujineysaa go'aan adag oo loo filaayo in lagu xoojin doono xasilloonida iyo daahfurnaanta maaliyadda ee Soomaaliya. Sharcigan waxa uu soo bandhigayaa qodobo dhamaystiran oo qeexaya shatiga, kormeerka, iyo heerarka dhaqanka ee hay'adaha maaliyadeed ee kala duwan sida bangiyada, hay'adaha yar-yar ee maaliyadda, bangiyada shisheeye, bangiyada Islaamiga, iyo xawaaladaha. Astaamaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah shuruudaha adag ee ku saabsan buuxinta raasamaalka, qiimeynta khataraha iyo qaadista tallaabooyinka kahortagga, qaab-dhismeedka maamulka nidaamsan, iyo tallaabooyinka ka hortagga lacag-dhaqidda iyo dambiyada maaliyadeed. Waxa kale oo uu siinayaa awoodaha hay'adda dhexe ee Bangiga Dhexe si ay u bixiso shatiyaasha, u ilaaliso u hoggaansanaanta sharciga, una qaado tallaabooyin sixitaan haddii loo baahdo, si loo hubiyo in hay'adaha maaliyadeed si ammaan ah u shaqeeyaan. Hirgelinta sharciyadan oo sii wanaagsan fuliyo waxay horseedi kartaa isbeddel muuqda oo ku yimaada dhaqaalaha Soomaaliya. Waxay kordhin doontaa kalsoonida maalgashadayaasha, waxay dhiirrigelin doontaa ka mid noqoshada dhaqaale iyadoo gaar ahaan ay ka faa'iideysanayaan ganacsiyada yaryar iyo bulshada miyiga ah, sidoo kale waxay kor u qaadi karaa kobaca dhaqaalaha iyadoo la hubinayo nidaam bangi oo hufan oo xasiloon.

cabinet council
2
House of the people
3
senate
4
presenditial signature

Heerar

cabinet council Files
Hindise-Sharciyeedka Wax-kabadelka Sharciga Hay'addaha Maaliyadda Update 2025.pdf Oct 12, 2025