Arbacadii, 21 Janaayo 2026, Golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay fadhigiisii 30aad ee Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka 11aad, kaas oo si rasmi ah loogu ansixiyay AXDIGA URUR GOBOLEEDKA HORUMARINTA INTERGOVERNME AUTHORITY FOR DEVELOPMENT- IGAD)''. Fadhiga waxaa guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane. Aadan Maxamed Nur (Aadan Madoobe), iyadoo uu weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane. Cabdullahi Cumar Abshirow. Kooram ka kooban 144 Xildhibaan ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay, taasi oo suurtagelisay in fadhigu u socdo si waafaqsan xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, loona helo dood iyo go’aan sharciyeysan.
Ajandaha ugu weyn ee fadhiga ayaa ahaa ka doodista iyo ansixinta Heshiiska dib-u-habaynta Urur Goboleedka Horumarinta (Intergovernmental Authority on Development – IGAD), kaas oo beddelaya heshiiskii aasaaska ahaa ee 1996. Kaddib dood baarlamaan, Golaha Shacabka BJFS ayaa ansixiyay heshiiska iyadoo 141 Xildhibaan ay oggolaadeen, 2 ay diideen, halka 1 uu ka aamusay. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa si rasmi ah u shaaciyay meelmarinta heshiiska, isaga oo u gudbiyay hay’adaha dastuuriga iyo fulinta ee ay khusayso, taas oo dhammeystirtay waajibaadka ansixinta baarlamaan ee heshiisyada caalamiga ah sida uu qabo Dastuurka.
Qodobo muhiim ah oo heshiiska ka mid ah ayaa si gaar ah u soo jiitay dareenka, maadaama ay leeyihiin muhiimad istiraatiiji ah oo ku saabsan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka. Qodobbada 2 iyo 3 waxay dib u qeexayaan ujeeddada, himilooyinka, iyo yoolalka IGAD, iyaga oo xoogga saaraya is-dhexgal goboleed oo qoto dheer, horumar waara, iskaashi siyaasadeed, iyo isbeddel dhaqaale. Qodobadani waxay muujinayaan ka gudbidka iskaashi ku saleysan isku-duwid kaliya, una wareegaya hannaan qaab-dhismeed leh oo natiijo-ku-saleysan, isla markaana la jaanqaadaya hindiseyaasha qaaradeed sida Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA) dhawaan Golaha Shacabka BJFS siiyay codka kalsoonida ay GoleKaab horey u faafisay.
Sidoo kale, Qodobbada 4 iyo 5 ayaa muhiimad gaar ah leh, maadaama ay dhigayaan mabaadii’da aasaasiga ah iyo xeerarka hawlgalka IGAD. Qodobadani waxay adkeynayaan sinnaanta madax-bannaanida dowladaha xubnaha ka ah, faragelin la’aanta arrimaha gudaha, xallinta khilaafaadka si nabadeed, iyo ku-dhaqanka dimuqraadiyadda, ku-dhaqanka sharciga, isla xisaabtanka, daahfurnaanta, sinnaanta jinsiga, iyo dhowrista xuquuqda aadanaha. Tani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay korjoogteynta baarlamaanka iyo bulshada rayidka, maadaama ay ku xoojinayaan qiyamka dowladnimo iyo xuquuq ku dhisan iskaashiga goboleed.
Qaab-dhismeedka hay’adeed ee heshiiska, oo ku qeexan Qodobbada 10–23, ayaa isna door weyn ka qaatay doodaha la xiriira ansixinta. Qodobadani waxay caddeynayaan waajibaadka iyo awoodaha Shirweynaha Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha, Golaha Wasiirrada, Guddiga Danjirayaasha, iyo Xoghaynta Fulinta. Gaar ahaan, Qodobbada 19–21 ayaa xoojinaya awoodda iyo kartida Xoghaynta Fulinta, iyada oo la wanaajinayo isku-duwidda siyaasadaha, cilmi-baarista, kormeerka fulinta, maareynta maaliyadda, iyo isla xisaabtanka—taas oo wax ka qabaneysa caqabadihii hay’adeed ee IGAD horay u jiray.
Intaa waxaa dheer, Cutubka Saddexaad (Qodobbada 24–41) wuxuu qeexayaa dhinacyada mudnaanta leh ee iskaashiga goboleed, oo ay ka mid yihiin ganacsiga iyo isu-socodka xorta ah, beeraha iyo haqab-beelka cuntada, isbeddelka cimilada iyo ilaalinta deegaanka, tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, caafimaadka, waxbarashada, nabadda, amniga, iyo dowlad-wanaagga. Qodobbada 32 iyo 33 ayaa si gaar ah u aqoonsanaya una dhiirrigelinaya doorka bulshada rayidka, xirfadlayaasha, haweenka, iyo gabdhaha, iyaga oo xoojinaya ka-qaybgal loo dhan yahay iyo dimuqraadiyadda horumarinta gobolka.
Intii uu socday fadhiga, kooxda korjoogtada bulshada rayidka ee GoleKaab ayaa goob joog ka ahayd, iyaga oo si dhow ula socday habsami u socodka fadhiga. Kooxdu waxay kormeereen kooramka, hannaanka codbixinta, daahfurnaanta, iyo tayada doodda baarlamaanka, iyaga oo si gaar ah u eegayay sida habraaca ansixintu ula jaanqaadayo isla xisaabtanka dimuqraadiga ah iyo waajibaadka dastuuriga. Joogitaankoodu wuxuu muujiyay doorka lama huraanka ah ee bulshada rayidka ka qaadato ilaalinta hannaanka sharciyeed iyo hubinta in ballan-qaadyada caalamiga ah ee Golaha Shacabka ansixiyo ay waafaqsan yihiin danaha guud iyo Dastuurka Ku-Meelgaarka ah ee Soomaaliya.
Si aad u hesho faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Heshiiska IGAD ee uu Baarlamaanku ansixiyay, fadlan halkan ka soo degso dukumentiga.