10-ka Nofeembar 2025, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey dib-u-eegista Hindise-Sharciga Ka-hortagga Burcad-badeedda iyo Af-duubka (Sharciga Lr. 36 ee markii hore la meel mariyey 30kii Abriil 1975).
Fadhigii taariikhiga ahaa ee lagu ansixiyey sharcigan waxaa guddoomiyey Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, waxaana shirka soo xaadiray 140 Xildhibaan, kuwaas oo dhammaantood u codeeyey ansixinta. Sharcigan ayaa la hormariyey si loo xoojiyo awoodda sharciyeed ee Soomaaliya ee la dagaalanka dambiyada badda iyo ilaalinta madaxbannaanida biyaha qaranka.
Hindise-sharcigan waxaa Golaha ka hor akhriyey Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale Guuleed, oo ka tirsan Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka.
Wax ka bedelka Hindise Sharciyeedka Ka-hortagga Burcad-badeedda iyo Af-duubka (Sharciga Lr. 36 ee 30kii Abriil 1975) waxaa wax ka beddel iyo cusboonaysiin lagu sameeyey dhowr qodob oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah:
Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa door hoggaamineed ku lahaa dib-u-eegista iyo soo bandhigista sharcigan. Guddiga oo uu guddoomiyo Xildhibaan Cali Xaaji Daahir, ayaa ka shaqeeyay sidii sharcigan loogu waafajin lahaa Dastuurka KMG ah ee dalka iyo heshiisyada caalamiga ah sida (UNCLOS 1982).
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si dhow ula shaqeeyay guddiga, iyagoo soo jeediyay talooyin lagu xoojiyay sharciga, gaar ahaan dhinacyada badbaadada badda, garsoorka iyo ilaalinta kheyraadka badda.
Guddigu wuxuu sharcigan dib loo habeeyay iyo warbixintiisa rasmi ah ku wareejiyey sii toos ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, isagoo ku taliyay in si degdeg ah loo ansixiyo. Tani waxay dhacday intii lagu jiray Fadhigii 13aad ee Kalfadhiga 7aad, oo uu guddoomiyay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane. Xildhibaan. Cabdullaahi Cumar Abshirow, waxaana 140 xildhibaan si aqlabiyad ah ugu codeeyeen ansixinta iyado ay 135 mudanayaasha golaha shacabka ay ka maqnaayeen guud ahaan ka doodista akhrinta sedaxaad iyo ansixintiisaba.
Fadhigii 13aad wuxuu muujiyey midnimo siyaasadeed oo muhiim ah, iyadoo dhammaan xildhibaanada ka qaybgalay ay isku raaceen muhiimadda uu leeyahay sharcigan cusub. Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Moalim Maxamuud, ayaa uga mahadceliyay Golaha Shacabka taageerada buuxda ee ay siiyeen hindise-sharcigan muhiimka ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in uu xoojin doono awoodda garsoorka Soomaaliya ee la dagaalanka dambiyada badda iyo ilaalinta madaxbannaanida biyaha qaranka.
Sharcigan dib loo cusboonaysiiyay wuxuu astaan u yahay dadaalka joogtada ah ee Soomaaliya ay ku difaaceyso biyahaheeda, la dagaallanka dambiyada badda, iyo ilaalinta marin-biyoodka ganacsiga ee muhiimka ah ee ku xeeran xeebaha dalka. Sharcigan hadda waxaa loo gudbiyay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si uu oga sii doodan, ayna u ansixiyaan kadibna loogu sii gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si uu u saxiixo oo uu si buuxda u dhaqan galo.