Intii ay socotay doodaha ku saabsan ansixiyey Hindise-Sharciga Hannaanka Lacag Bixinta Qaranka ayaa goob joogyaal ka ahaa korjoogtada Xubno ka tirsan Dalladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee hoos taga Mashruuca GoleKaab, ayaa ka qaybgalay Fadhigii 12aad ee Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya BJFS, iyagoo korjoogteyntooda ku aadan hufnaanta, daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka howsha sharci-dejinta. Fadhiga uu shir guddoominayay Mudane Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, ayna kasoo qeebgaleen kooramka 156 xildhibaan ayaa lagu ansixiyey Hindise-Sharciga Hannaanka Lacag-Bixinta Qaranka, iyadoo 154 xildhibaan ay u codeeyeen oggolaansho iyo 2 xildhibaan ay ka aamuseen. Hindise-sharciyeedka ayaa hadda u gudbay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka BJFS si ay oga sii doodaan. Sharcigan oo uu soo gudbiyay Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane. Biixi Iimaan Cige, horaanti aqrinta koowaad ayu uku codsaday wasiirka in sida ugu macquulsan in Golaha Shacabka siiyan codkooda taagerada, asigoo ka bixiyay sharaxaad ah sida sharcigaan uu dhisaayo hannaan sharci oo casri ah oo lagu nidaaminayo lacag-bixinta gudaha dalka iyo adeegyada dijitaalka ah. Wuxuu awood siinaya Bankiga Dhexe ee Soomaaliya inuu bixiyo shatiyada, kormeerka, isla markaana hubiyo badqabka, hufnaanta iyo ilaalinta xuquuqda macaamiisha. Haddii si wanaagsan loo dhaqan-geliyo, sharcigan wuxuu horseedi karaa in: • Kororka kalsoonida nidaamka maaliyadeed ee dalka. • Kobaca adeegyada maaliyadda dijitaalka ah iyo dhaqaalaha dalka. • Daahfurnaan iyo isla-xisaabtan ballaaran oo lagu yareeyo musuqmaasuqa. • Ilaalinta xogta iyo xuquuqda macaamiisha. • Isku xirnaan buuxda oo lala yeelan karo nidaamyada lacag-bixinta caalamiga ah. Sharcigan waa tallaabo istaraatiiji ah oo lagu xoojinayo casriyeynta nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya, isagoo gacan ka geysanaya horumarinta dhaqaalaha iyo kalsoonida bulshada.