Soomaaliya waxay saxiixday Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA) sanadkii 2018, taasoo muujinaysa ballanqaad muhiim ah oo ku wajahan isku xirnaanta dhaqaalaha gobolka. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya bilowgii ma aysan ansixin heshiiska, taasoo dib u dhac ku keentay ka qaybgalka buuxa ee faa’iidooyinka ganacsiga ee AfCFTA. Heerkan saxiixa wuxuu muujinayaa xiisaha Soomaaliya ee ku biirista qaab-dhaqameed iskaashi dhaqaale oo Pan-African ah oo lagu horumarinayo xiriirka ganacsi iyo kobcinta dhaqaalaha wadamada xubnaha ka noqda. Bisha Agoosto 2020, golaha wasiirada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyey heshiiska AfCFTA si loo ansixiyo. Ansixintan waxay muujinaysaa ujeeddada dowladda federaalka ah ee ah inay sii waddo rasmiyeenta ballanqaadka Soomaaliya ee heshiiska. Taageerada golaha wasiirada waxay ahayd muhiim maadaama ay aasaas u dhigtay tallaabooyinka xiga, oo ay ku jiraan ka fiirsashada baarlamaanka iyo ansixinta dambe, taasoo muujinaysa sida Soomaaliya ay ogu go’an tahay inay si buuxda oga mid noqoto suuqa Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), Wasaarradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale diyaarisay Istaraatijiyadda Qaranka ee Hirgelinta AfCFTA, taasoo la ansixiyey bishii Nofembar 2023. Istaraatijiyaddan waxay tilmaamaysaa wadada Soomaaliya u marayso hirgelinta waxtarka leh ee qodobbada heshiiska, iyada oo la xaqiijinaayo in dalkaasi ka faa'iidaysto fursadaha ay AfCFTA abuurtay iyada oo la hagaajinayo siyaasadaha ganacsi, tababarada iyo dib u habeynta xeerarka. Istaraatijiyaddan ayaa ah qorshe wax ku ool ah oo lagu turjumayo heshiiska si uu u keeno faa’iidooyin dhaqaale. 20-ka Oktoobar 2025, xubno korjoogtadan ka socday Dalladda Bulshada Rayidka Soomaaliya ee SONSA oo ka qaybqaadanaya mashruuca GoleKaab ee taageerayada daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka baarlamaanka, ayaa door firfircoon ka ciyaaray kormeerka habka baarlamaanka ee Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika ee AfCFTA. kulankii 6aad ee Kalfadhigii 7aad ee Baarlamaanka 11aad ee Golaha shacabka BJFS waxaa diiradda lagu saaray akhrinta saddexaad iyo ansixinta heshiiska AfCFTA. Kalfadhigan oo uu shir guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane. Aadan Maxamed Nuur, (Aadan Madoobe) ayaa sheegay in ay 145 xildhibaan ayaa u codeeysay, hal qof ayaa ka aamusay, halka aysan jirin diidmo toos ah. Muhiimadda ansixinta Soomaaliya ee AfCFTA ma ahan oo kaliya fursadaha dhaqaale balse sidoo kale waxay xoojinaysaa iskaashiga gobolka iyo diblomaasiyadda ganacsiga. Marka ay Soomaaliya noqoto xubinta buuxda, waxay ka faa’iidaysan doontaa helitaanka suuqyo badan, maalgashi, iyo kala-duwanaansho dhaqaale oo muhiim u ah horumarka qaranka. Dadaallada isuduwidda ee dowladda, baarlamaanka, iyo bulshada rayidka ayaa muujinaya go’aan qaran oo wadajir ah oo ku wajahan isku xirnaanta gobolka oo ah waddada horumarka dhaqaalaha.