Dastuurkii 1960-kii ee Soomaaliya wuxuu ahaa dukumenti taariikhi ah oo aasaas u ahaa Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, isagoo dalka ka dhigay mid madax-bannaan, dimoqraadi ah, oo midaysan markii ay xornimada qaateen 1-dii Luulyo 1960. Dastuurkan, oo uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane. Adan Cabdulle Cusmaan (Aden Cadde) laguna daabacay Wargeyska Rasmiga ah ee Lambar 1, wuxuu Soomaaliya ku qeexay dal ku dhisan mabaadi'da sinnaanta, caddaaladda, iyo dimoqraadiyadda. Dastuurku wuxuu Islaamka u aqoonsaday diinta rasmiga ah ee dalka wuxuuna adkeeyey midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale, dastuurku wuxuu qeexay astaamaha qaranka sida calanka buluugga ah ee leh xidigta cad ee shanta gees leh iyo astaanta logada qaranka ee calaamadda shabeelka. Dastuurku wuxuu awoodda ugu sarreysa ku wareejiyey shacabka, kuwaas oo loo asteeyey inay ku dhaqmaan hababka dastuuriga ah iyo kuwa sharciga ah, wuxuuna diiday cid gaar ah ama koox sheegan karta inay leeyihiin awooddaas. Intaa waxaa dheer, dastuurku wuxuu ku daray mabda’a caalamiga ah oo ay ka mid tahay u hoggaansanaanta Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo ballanqaadka xiriirka nabadeed ee caalamka. Dastuurkan sidoo kale wuxuu dhisay qaab adag oo lagu ilaalinayo xuquuqda iyo waajibaadka aasaasiga ah ee muwaadiniintu Soomaaliyeed. Wuxuu dammaanad qaaday sinnaanta dhammaan muwaadiniinta iyadoon loo eegin jinsiyad, diin, jinsi ama xaalad takoorid bulsho, wuxuuna difaacay xorriyadaha sida hadalka, isu-imaatinka bannaanbaxa, diinta, iyo Ururrada madax bannaan. Muwaadiniinta waxaa la siiyey xuquuq ay ku codeeyaan, xafiisyo dadweyne ay u tartamaan, cabashooyin u gudbiyaan hay’adaha garsoorka ee dowladda, iyo inay helaan xorriyad shakhsiyadeed, ganacsiyo madax banaan iyo lahaanshaha hanti iyadoo la ilaalinayo sharciga. Xuquuqda bulshada ayaa sidoo kale la adkeeyey iyadoo la siinayo mudnaanta waxbarashada, caafimaadka dadweynaha, ilaalinta qoyska, iyo daryeelka kooxaha jilicsan. Dastuurku wuxuu mamnuucay ururrada qarsoon ama kuwa ciidan ahaan u abaabulan wuxuuna waajibiyey in muwaadin kastaa daacad u ahaado dalkiisa. Mabaadi'dan wuxu ka tarjumaya rajadii Soomaaliya ee ahayd in la dhiso bulsho caddaalad ku dhisan oo salka ku haysa qiyamka diinta Islaamka iyadoo la qaadanayo nidaam maamul casri ah. Inkasta oo dastuurkan uu shaqeynayey ilaa afgambigii milatari ee dhacay 1969-kii uu meesha ka saaray, haddana wuxuu weli yahay tallaabo muhiim ah oo taariikhi ah oo ku saabsan horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya.